Shidaal Qodista Soomaaliya oo Dawladda Turkigu Beenisay in aysan Faa’iido Doon aheyn.

0
411

Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u beenisay wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya in Ankara ay dooneyso inay faa’iido gaar ah ka hesho kheyraadka tamarta ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira sahminta shidaalka.

Bayaan kasoo baxay xarunta la-dagaallanka wararka been abuurka ee madaxtooyada Turkiga ayaa lagu caddeeyay in heshiiska u dhexeeya Shirkadda Batroolka Turkiga (TPAO) iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliya uu si cad u dhigayo in kheyraadka dabiiciga ah uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale la xusay in iskaashiga labada dal uu ku dhisan yahay sharci cad iyo mabda’a dan wadaag.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in markabka qodista shidaalka ee Turkiga, “Çağrı Bey”, uu kasoo shiraacday dekedda Mersin ee koonfurta Turkiga, kuna soo jeedo biyaha Soomaaliya si uu u bilaabo hawlaha sahminta shidaalka.

Mas’uuliyiin Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid taariikhi ah oo muujinaysa soo kabashada dalka iyo bilowga ka faa’iidaysiga rasmiga ah ee kheyraadkiisa dabiiciga ah, kadib sanado badan oo caqabado jiray.

Wararka ayaa sheegaya in safarka markabku qaadan doono ku dhowaad 45 maalmood, ka hor inta aan la bilaabin qodista ceelka loo yaqaan “Korad-1” bisha Abriil ee soo socota. Mashruucan ayaa qayb ka ah heshiisyo siinaya Turkiga xuquuqda sahminta iyo soo saarista shidaalka ee dhowr qaybood oo ka tirsan badda Soomaaliya.