Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si cad ugu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, in aanay Itoobiya wax faa’iido ah ka helayn aqoonsiga Somaliland, xilli uu booqasho rasmi ah ku joogay magaalada Addis Ababa.
Erdogan ayaa xusay in arrinta aqoonsiga Somaliland aysan dan u ahayn Itoobiya, isla markaana Turkigu mudnaan gaar ah siinayo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale mar kale caddeeyay mowqifka dalkiisa ee ku aaddan diidmada aqoonsiga Israa’iil ee gooni isu taagga Somaliland.
Wuxuu sheegay in aqoonsi noocaas ah “uusan dan u ahayn Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika.”
Arrintan ayaa timid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu bishii December ee la soo dhaafay shaaciyay inuu aqoonsaday in Somaliland ay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya inteedi kale.
Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Somaliland iyo Itoobiya ka shaqeynayaan heshiis cusub oo suurta-gelin kara in Itoobiya si rasmi ah u aqoonsato Somaliland mustaqbalka dhow.
Booqashada Erdogan ee Itoobiya ayaa muujinaysa doorka sii kordhaya ee Turkigu ku leeyahay Geeska Afrika, gaar ahaan arrimaha la xiriira Soomaaliya iyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee Ankara la leedahay Muqdisho.












