Basaborka Bulshada Bariga Africa oo Soomaaliya Loo Ogolaaday in ay Daabacato Si loogu Socdaalo.

0
328

Soomaaliya ayaa heshay oggolaansho rasmi ah oo ay ku soo saari karto baasaboorrada East African Community (EAC), taasoo ah guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo xoojinaysa is-dhexgalka gobolka.

Warqadda oggolaanshaha baasaboorka waxaa keenay Safiirka Soomaaliya ee Tanzania isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee EAC, Ilyaas Cali Xasan, wuxuuna guddoon siiyay wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustafa Sheekh Axmed Dhuuxulow.

Oggolaanshahan ayaa u saamaxaya Soomaaliya inay daabacdo oo bixiso baasaboorrada EAC, taasoo ah howl soo bilaabatay bishii Diseembar 2025, lana filayo inay fududeyso isu socodka xorta ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed gudaha dalalka ku mideysan EAC.

“Arrintan waxay ka dhigan tahay guul diblomaasiyadeed oo muhiim u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna sidoo kale xoojinaysaa is-dhexgalka gobolka iyo fududeynta isu socodka muwaadiniinta EAC,” ayuu Safiir Ilyaas ku sheegay baraha bulshada.

Ku biirista Soomaaliya ee nidaamka baasaboorka EAC ayaa loo arkaa tallaabo diblomaasiyadeed oo weyn, kana mid ah dadaallada ballaaran ee lagu xoojinayo xiriirka dalalka dariska ah iyo qoto-dheereynta iskaashiga qaab-dhismeedka goboleed.