Madasha Dooxa Fooram oo Madaxweyne Xasan Sheekh Ka Qeybgelayo kadib Casuumaad uu ka helay Dawladda Qatar.

0
463

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Doha, isagoo ka qeybgalaya Madasha Doha Forum, oo lagu falanqeeyo arrimaha amniga caalamiga ah, isbedelada siyaasadeed ee dunida, iyo iskaashiga horumarineed.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in Ka qeybgalka Madaxweynaha ee madashan ay muujinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee xooggan ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Doha, iyo sida labada dhinac uga go’an tahay in ay sii xoojiyaan iskaashigooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu kulamo la yeelan doona Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, iyo mas’uuliyiin kale oo sar sare.

Wadahadallada waxa diiradda lagu saari doonaa sida madaxtooyadu sheegtay, xaaladda Geeska Afrika, caqabadaha amni, iyo mustaqbalka iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay Ka qeybgalka Madasha Doha Forum in ay fursad u tahay kor u qaadidda kaalinteeda diblomaasiyadeed ee heer caalami.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu doonayo inuu madashan uga faa’iideysto in uu kor u qaado danaha Soomaaliya ee xasilloonida gobolka iyo horumar waara, si ay Sooomaaliya u noqoto mid door muuqda ku leh doodaha caalamiga ah ee nabadda iyo amniga.