Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka ahna xubno katirsan Golaha Wasiirada xukuumadda federaalka ka mamnuucay ka qeyb-galka fadhiyada Golahaasi.
Wasiiradaan afarta ah ayaa la arkaayay shalay iyagoo sameenaya gacan kahadal toos ah oo ay ku handadeen Xildhibaano Mucaarad ah waxaana wasiiradaan ay kala yihiin.
1) Xil. Maxamed Cabdulqaad Xaaji (Jeego), oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.
2) Xil. Cumar Cali Cabdi, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.
3) Xil. Isaaq Maxamed Mursal, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
4) Xil. Maxamed Cusmaan Cumar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qoyska.
Hase-yeeshee xildhibaannadaan laga mamnuucay in ay ka qayb galaan kulamada baarlamaanka oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeyay guddoomiye Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) in uu ku tumanayo sharciga isla markaana uu eedeysane u yahay iyaga.
