Qaar kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa bilaabay olale ay ku muujinayaan inay ku garab taaganyihiin Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana Nuug oo dhowaan hadal ceebeyn naafanimadiisa uu Golaha Shacabka ka sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Xildhibaanadaan oo watay Bakoorado si ay u muujiyaan in naafanimadu wax xun ahayn ayaa gurigiisa ugu tagay Xildhibaan Caana Nuug si ay garab istaag ugu muujiyaan Xildhibaanka, kana raaligeliyay gafkii uu kala kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Dhinaca kale Xisbiga Himilo Qaran ayaa bogaadiyay xubnaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee muujiyay garab-istaaga Xildhibaan Maxamed Cali, waxaana xisbiga uu tilmaamay in Farriinta iyo dareen wadaaga xubnaha Golaha Shacabka ay dhiirra-gelineyso karaamada iyo sida ay lama taabtaan u tahay illaalinta xuquuqda dadka baahiyaha gaarka qaba.
“Xibsiga Himilo Qaran wuxuu sidoo kale cambaaraynayaa gefkii shaqsiga ahaa ee uu guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur Madoobe kula kacay Xildhibaan Maxamed Cali Cumar iyo mudaneyaal kale oo tirsan golaha.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Himilo Qaran.
Ugu dambayn, Xisbiga Himilo Qaran ayaa ugu baaqay madaxda sarre ee dowladda Federaalka ah in la joogo waqtigii si dhab loogu wajahi lahaa ka jawaabista xasaradaha siyaasadeed ee ka taaggan dalka si loo helo Midnimo Qaran dalkana loogu jiheeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay.