Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa bilaabay safarro rasmi ah oo uu ku tegayo dowlad goboleedyada dalka, si uu uga dhaadhiciyo muhiimadda ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Danjire Jams Swan ayaa la filayaa inuu todobaadkaan tago dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. Waxaa la filayaa inuu Sabtida ama Axada tago magaalada Garowe, si uu ula kulmo madaxweyne Deni, islamarkaasna uu ka hadlo ka qeybgalka shirka.
Wakiilka UN-ka ayaa Safarkiisa ugu horreeyay oo safaradan qeyb ka ah Talaadadii ku tegay Galmudug, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.
Sidoo kale maalintii Arbacada ayuu tagay Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.
Kulamada uu ku tagay Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay doorasho la isku waafaqsan yahay iyo in la helo wada-hadal qaran oo ay ka qeyb qaataan dhammaan saamileyda siyaasadeed iyo bulshada Soomaaliyeed.
“Waxaan xoojiyay muhiimadda midnimada iyo wadahadallada loo dhan yahay oo dhex mara hoggaanka siyaasadeed iyo bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri James Swan.
Swan ayaa caddeeyay in beesha caalamku ay garab taagan tahay hindisaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay oo ah qabashada madal qaran oo mideysa codadka Soomaaliyeed loogana hortago khatarta Al-Shabaab.