Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Somaliland 15 maxbuus oo laga soo qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool sanadkii 2023.
Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdi Wahaab, oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in sidoo kale Puntland ay la wareegtay 11 maxbuus oo ay horey u qabatay Somaliland, kuwaasoo iyagana lagu soo qabtay dagaalladii isla gobolkaas ka dhacay.
“Maanta waxaan ku wareejinay dowladda Somaliland 15 maxbuus oo ka mid ah maxaabiistii lagu soo qabtay dagaaladii ka dhacay gobolka Sool 2023. Somaliland dhankeeda waxay ku soo wareejisay dowladda Puntland 11 maxbuus oo horey loogu qabtay dagaalladaas,” ayuu yiri wasiirku.Wasiirka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda, ganacsiga, walaalnimada iyo is-dhexgalka bulshada labada dhinac.
“Tani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka iskaashiga nabadgalyada. Waa wax lagu farxo in wiilal Soomaaliyeed oo laba sano xabsi ku jirey ay maanta dib u helaan xorriyadoodii, lana midoobaan qoysaskoodii iyo eheladooda,” ayuu raaciyey.
Tallaabadan isdhaafsiga maxaabiista ayaa noqonaysa markii labaad oo maxaabiis lagusoo qabtay dagaalladii Laascaanood la isdhaafsado.