Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu saakay ku dhex maray degaanka Wargaadhi ciidamada Dowladda iyo kuwa Al shabaab.
Weerar Qaraxyo ku bilawday ay ku qaadeen salaadii subax kadib dagaalamayaasha Al shabaab deegaanka Wargaadhi oo ah Talis weyn oo laga hagaayay dagaalka ka dhanka ah Kooxdaasi ee ka socda Degaanada HirShabeele iyo Galmudug.
Waxaa jira khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala soo gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana dhinac walba uu sheeganaya inuu isagu guul ka gaaray dagaalka.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al Cadaala ayaa sheegay in meydad badan oo Al shabaab ah ay daadsan yihiin degaanka Wargaadhi ayna iska caabiyeen kooxdii weerarka soo qaaday.
Kooxda Al shabaab waxa ay sheegteen inay degaanka la wareegeen ayna gudaha u galeen saldhigaan Military oo ay ku sugnaayeen ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor iyo Macawiisleeyda.