Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan Degmada Masaajid Cali Guduud ayaa sheegaya in Al shaabab ay ku qaadeen weerar qaraxyo ku bilowday saldhigyada ciidamadu ay ku leeyihiin Degmadaasi.
Waxaa ay Wararku sheegayaan in Al shabaab weerarka ay soo qaadeen laga hortagay balse wali rasaas ay ka dhaceyso gudaha Masaajid Cali Guduud.
Degmada Masaajid Cali Guduud waxaa dhowanahaan kusii qulqulaayay ciidamo Asluub ah iyo kuwa Harmacad ah oo fariisimooyin ka sameeysay Masjid Cali Guduud oo lagu sheegay inay Al shabaab dhaq dhaqaaqyo ka sameeyeen Degmada.
Degmada Cadale oo uu kusugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo waramayaa inuu kabaxay Gurmad si ay u xoojiyaan ciidamada Dowladda ee Masaajid Cali Guduud kula dagaalamaya Al shabaab.












