Shirweynihii Koowaad ee Midowga Dimuquraadiga Dadka Soomaaliya MDDS oo Maanta Magaalada Muqdisho Ka Furmay.

0
578

Midowga Dimuquraadiga Dadka Soomaaliya (MDDS) oo Labaatankii Jan 2025 kii Magaalada Muqdisho Lagaga Dhawaaqey kaas oo Aas Aaseen in kabadan 20 xisbi/urur Siyaasadeed ayaa Shirweynihiisii 1’aad maanta Ka furmay Magaalada Muqdisho iyadoo ergooyinkii Shirka soo Xaadiray ay Cod Aqlibiyad leh ku Ansixiyeen Xeerka MDDS Kaas oo Qeexaya Habka Awood Qaybsiga Golahiisa Dhexe Gudiga Fulinta iyo Gudiyo Madaxbanaan.

Sidoo kale Shirka Waxaa Maanta Lagu Doortay Xubnaha Gudoonka Sida Gudoomiyaha Rasmiga ah Shanta sano ee Soo Socota insha alaah Gudoomiye Ku Xigeeno iyo Xoghaye iyadoo Gudoomiye Loo doortay Cali Maxamed Nuux Timajilic,halka Gudoomiye xigeenka 1’aad loo Doortay Ugaas Aweys ugaas Xuseen Honero iyadoo Gudoomiye Xigeenka 2’aad Loo Doortay Ubax Cali Faarax.

Shirka ayaa Maalintiisa Labaad Guda geli Doona Doorashada Xoghayaha Guud iyo Kaaliyihiisa Xubnaha Golaha Dhexe iyo Xubnaha Gudiga Fulinta iyo Gudiyada Madaxabanaan kuwaas oo kala ah Gudiga Xalinta Khilaafaadka xisbiga/ururka Dhexdiisa,gudiga Anshaxa,gudiga Kormeerka iyo ka hortaga Musuqa,Gudiga Doorashada Xisbiga Dhexdiisa iyo Gudiga Dakhliga iyo Maaliyada Xisbiga MDDS.

Madaxda La doortay ayaa Balan qaaday in ay Si Sinaan iyo Caddaaladi ku jirto Xisbiga Xubnihiisa ku Hogaamin Doonaan iskuna wadi Doonaan Qeybaha iyo Heerarka Maamul ee Xisbiga MDDS,mar uu Gudoomiyaha La doortay Timajilic ka Hadlay Khilaafka Ragaadiyey Madaxda iyo Maamulada xubnaha ka ah Dawladda Federalka ayuu eeda Dhabarka u saarey Bulshada Qeybaheeda Kala duwan oo aaney jirin Cid ka hadleysa ee la fiirsanayo Aawy Culimadii waxgaradkii iyo dadkii sida isxilqaanka ugu bixi jiray marka ay Dhibaato gacan ka hadal Iimaado Bal Eega wixii ka dhacey Raaskambooni yaa ka hadley? yaase Looga Aamusay? dhanka kale Puntland iyo dawladda Dhexe ayuu Yiri Timajilic isagoo Sheegay in ay isu taagayaan sidii arimahaas wax looga Qaban lahaa ayuu Hadalkiisa kusoo Gunaanadey Gudoomiye Timajilic.