Madaxda Ururada Siyaasadda Dalka iyo Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha oo Kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

0
541
Kulan balaaran oo ay yeesheen Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha iyo Madaxda Ururada Siyaasadda ayaa waxaa Looga Hadlay Arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo Qodobo kale oo Muhiim ah waxaana ugu danbeyn laysku Afgartay Hirgelita Doorasho Qof iyo Cod ah in Dalka Loo jiheeyo.
Iyadoo loo Balamey kulamo kale Horaanta Sanadka Cusub ee nagu soo foolka leh ayaa si wada jir ah waxaa meesha looga Saarey in aan lagu laaban Doorasho Dadban Teendho ee ay shacabku soo doortaan Cida ay rabaan in ay Hogaamiso.
Gudoomiyaha Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa Balanqaadey in ay Si Caddaalad iyo Sinaan ah Doorashada u Qabandoonaan ayna Madaxda ururada ka Codsanayaan in ay la yimaadaan wada Shaqeyn iyo Garab istaag Doorashaduna ay dalka ka dhici doonto insha allaah.