Allaha U Naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo Dalka Turkiga ku Geeryoodey,

0
284
Senator Maxamed Cali Yuusuf oo loo yaqaan Gaagaaab oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ku geeriyooday dalka Turkiga sida ay xaqiijiyeen ehelada marxuumka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaano uu lasoo shaqeeyay.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku xigeennada Aqalka Sare, hab-dhowraha, Senatorrada, Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare dhammaan howl-wadeennada Aqalka Sare,iyo Madaxda Ururada Siyaasadda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan qoyska, ehelada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ku geeriyooday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.
Maxamed Cali Yuusuf Gaagaaab ayaa mar waxa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland October 10, 2004, marxuumka waxa uu door weyn ku lahaa si mug lehna uga dhex muuqday Siyaadda Dowlad Dhiska Soomaaliya iyo mida Dowlad Goboleedka Puntland.Senator Gaagaab Allaah u naxariistee, waxa uu soo noqday Guddoomiyaha Ku KMG ah ee Aqalka Sare inta aysan doorashadda Guddoomiyaha dhicin sanadkii 2022-kii, isaga oo laga soo doortay Puntland.

Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab wuxuu muddo dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kaalin wanaagsan ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuu ahaa aqoonyahan, waddani, xilal kala duwan ka soo qabtay dalka ooy ka mid ahaayeen Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Wasiirka Maaliyadda Puntland, iyo haatan uu ahaa Sentor ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.