Howlgalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa walaac weyn ka muujiyay war-saxaafadeed kasoo baxay Ergayga Joogtada ah ee Ethiopia u fadhiya Qaramada Midoobay.
Mar kale, ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xad gudubka Ethiopia ee dhulka Soomaaliyeed uu khatar ku yahay amniga gobolka iyo kan caalamkaba.
“Itoobiya oo ah Waddan Ciidamo ugu deeqay ATMIS, waxay shaki la’aan lumisay kalsoonidii lagu qabay markii ay kusoo xad gudubtay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed. Tallaabooyinka noocan oo kale ah ayaa lid ku ah sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan go’aannada la xiriira Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo guulihii adkaa ee laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab labaatankii sano ee la soo dhaafay.”ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay howgalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.













