War qoraal ah oo uu bartiisa Facebook soo dhigay Xildhibaanka ayuu ku sheegay in Sheegoow uu yahay Sarkaal ciidan, islamarkaana loo baahna in amarka soo qabashadiisa ay bixiso Maxkamad.
“Waxaan cambaaraynayaa rasaasta la huwiyey mudaaharaadkii maanta Muqdisho ka dhacay. Raali kama ihi rabshadaha iyo dhagaxtuurka dibadbaxayaasha, waxaase ka halis wayn adeegsiga rasaasta nool. Dhaqanka askarta soo qabatay mid la daafaci karo ma ahayn, waxaase indhaha looga laabanayey dagaalka ay dawladu argagexisada AS kula jirto” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in falka maanta ku rasaaseeyeen ciidamada dowladda dadka dibadbaxaayay uu yahay gabood fal oo ilaa hadana aysan ka hadlin dowladda Fedaraalka.
“Haddii xaalku gaaray in dibad baxayaal la rasaaseeyo, ilaa iyo haatanna aysan dawladdu ka hadal, waxaa nagu waajib ah in aan caddayno inuu gaboodfal yahay falka maanta lagu kacay. Igama aha in aan daafacayo dibad-baxayaal la rasaaseeyey oo keli ah, ee waxaa iila jira in aan xuquuqdayda ka difaaco bawdka banaankiisa, si tani aysan u noqon wado halaq mareen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaanka.
19-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2021 ayay aheyd markii sidaan oo kale rasaas la huwiyey banaanbaxayaal ka soo horjeeday dowladdi hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qeyb ka ahayeen siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid ahayeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Raysal wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo masuuliyiin kale.












