Qaar kamid ah Axzaabta Siyaasadda Dalka ayaa Shir wadashi ah Isugu Yimid Magaalada Muqdisho iyadoo Ugu Horeyn Taageero weyn Loo Muujiyey Dagaalka ka Dhanka ah Khawaarijta iyo Musuqmaasuqa Intaas Kadib Axzaabtu Waxa ay Guda Galeen Ajendaha kulanka oo ahaa in Xisbiyadu Sameystaan Dalad Leh Xeer iyo Hogaan ay ku Mideysanyihiin.
Dood iyo Falaneyn Kadib waxaa La Magacaabey Gudi Soo Diyaariya Xeerka Daladda kadibna Si Wadajir ah Axzaabtu uga Doodi Doonaan,Si Loogu Gudbo Doorashada Hogaan iyo Xubno Fulin si ay usoo Dhisaan Wakiilo Daladda Ku metala Hawlaha Fulinta loo Igmado..
Axzaabta ayaa Gudiga Siiyey Muddo 7 Cisho Gudaheed ah in ay kusoo Diyaariyaan Xeerka Daladda ayna Soo Sheegaan Shirka Lagu Ansixinayo Xeerka iyo Kulanka Madaxda axzaabta iyadoo Masuuliyiin Hawsha Qeyb ka ahaa ay Khadka Fogaan arraga uga Qeyb Galeen iyadoo Hoosta Laga Xariiqey in ay Lagama Maarmaan tahey Wadajir iyo Hufnaanta Dardar gelinta Hirgelinta waxa ay u Sameysanyihiin Axzaabta Siyaasadda ee ah In dalka Laga Hirgeliyo Doorasho Qof Cod ah.
Ugu Danbeyntiina waxaa Xukuumadda Dan Qaran Loogu Baaqey in Si Deg deg ah Loo soo Dhiso Gudi Madaxbanaan oo inta Goori Goor Tahey Doorashada Dalka Ka hawl gala Maadaama Xafiisyo Muhiim ah ay Shaqada Wadaan Sida Xafiiska Xoghayaha guud ee GDMB iyo Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada iyo Waaxyo Shaqaalaha Gudigu ay Qeyb ka yihiin inta Gudigu Maqanyaheyna ay kala Dhantaalantahey wixii La Qaban lahaa,wuxuuna shirku kusoo dhamaadey Jawi Hagaagsan iyo is Afgarad.












