Shirkaan ayaa wuxuu ku saabsan yahay barnaamijka Extended Credit Facility (ECF), ee dib-u-habeynta,hannaanka,Maaliyadda,iyo,Geedi,socodka,Deyn,Cafinta Soomaaliya.Shirkaan oo 4 maalin socon doono ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha dakhliga gudaha, nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda (PFM) Maamul wanaagga iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan si ramsi ah u furay ayaa sheegay in looga hadli doono horumarinta sare u qaadidda dakhliga gudaha, hirgalinta nidaamka Maamulka Maaliyadda Guud iyo dib-u-habeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi M. Nuur ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.
