Ururo Siyaasadeed Shir ku Yeeshay Magaalada Muqdisho oo Taageeray Go’aanadii Kasoo Baxey G/wadatashiga Qaranka.

0
1319

Ref-IXS/03                                                  Date 29/05/2023

 

                   War-saxaafadeed.

 

Shir ay Yeesheen Isbaheysiga Ururada Siyaasadda oo ka kooban (55) Urur Siyaasadeed ayaa ka Dhacey Magaalada Muqdisho,kaas oo Looga Hadley Marxaladaha Amni iyo Siyaasadeed ee Dalka, Dood iyo falaqeyn dheer kadib waxaa Shirka kasoo baxey Qodobadda Soo Socda:-

1) Ururada Siyaasadda Dalku waxey Soo Dhaweeyeen Go’aanadii kasoo baxey Shirkii Golaha wada Tashiga Qaranka,Marka laga Reebo Sida ay ku Imaanayaan Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka.

2) Nidaamka Axzaabta Badan iyo Dalka oo Yeesha Labo Xisbi Qaran waa arrinta keliya ee Dalku uga Bixi karo 4.5,qabyaalad iyo Qabiil wax ku Qeybsi Dad Badan Ku Dulmanyihiin.

3) Waxa ay Ururada Siyaasadu ka Codsanayaan Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka in aragtida Siyaasadeed ee dalka ay Ururadani ka horjeediyaan Golayaasha Qaranka Maadaama ay Ururadu Yihiin kuwo Muddo 6 sano ah soo Shaqeeyey Sharciyadna ku Dhisan.

4) Ururadu Waxey Bogaadinayaan Hay’adaha Amniga Gobolka Banaadir sida ay wax uga Qabteen Amni xumadii ka jiri jirtey Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.

5) Ugu Danbeyntii Ururada Siyaasadu waxey Cambaareynayaan Hadalka Kasoo Yeeray Madax Dalka Soo Xukumey iyo Siyaasiyiin ku Andacoon jirey in Xalku yahey in laga gudbo nidaamka 4.5 oo loo gudbo Doorasho Qof iyo Cod ah Maantana Bannaanka is keenay,Sidaas darted Hadalkooda Waxaan ku Sifeyn karnaa Qaswadayaal hor taagan Horumarka Dalka,Anagoo ugu Baaqeyna Barlamaaka Labada Golle in ay Danta Guud ee Dalka Meel mar ka dhigaan oo aaney Eegin Dan gaar ah.

“Allaha badbaadiyo Dalka,Dadka iyo Diinta Soomaaliya”

Wabillahi towfiiq.

DHAMAAD.