Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo ay wehliyaan saaxiibo caalami ah, ayaa Jimcihii weerar cirka ah ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku dileen ugu yaraan 30 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.
Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa lagu beegsaday afar tuulo oo hoostaga degmada Kunturwaarey. Gaadiid dagaal iyo hub culus ayaa lagu burburiyay howlgalka.
xayaysiisyada Warbaahinta dowladda ayaa ku nuux nuuxsatay in weerarkan uu jawaab u ahaa weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee ka socda dalka Uganda ee ku sugan deegaanka Buulo Mareer oo ah deegaan beeraley ah oo 110-KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Maleeshiyada ayaa adeegsatay aalado badan oo qarxa si ay gudaha ugu galaan saldhiga. ATMIS iyo dowladda Soomaaliya midkoodna ma sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka subaxnimadii Jimcaha.
Howlgalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo ka kooban 22,000 oo askari ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka caawinaya dagaalka ay kula jirto kooxda hubeysan ee xiriirka la leh Al-Qaacidda tan iyo sanadkii 2022-kii markaasoo ay bedeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Bishii Agoosto ee la soo dhaafay, kadib markii uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa bilowday weerar xooggan oo ay Dowladdu ku qaaday, taasoo keentay guulo la taaban karo oo laga gaaray in la dhimo awooda kooxda ee dhul ballaaran.












