Saraakiil Itoobiyaan oo ay ka mid yihiin General Tesfaye iyo saraakiil kale ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Safarka saraakiisha ayaa lagu sheegay mid loogu kuurgalayo sidii ciidanka Itoobiya qeyb uga noqon lahaayeen howlgalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.
Ciidamadan Itoobiyaanka oo ah kuwo ka baxsan ciidamada ATMIS ayaa dhawaan la filayaan inay soo gaaraan gobolka Hiiraan si ay uga qeyb qaataan duulaanka ciidamada dowlada iyo dadka deegaanka ay kula jiraan kooxda Alshabaab kaasoo la ogyahay inuu hakad ku yimid.
Dhanka kale ciidamada Itoobiya ayaa qorsheynaya iney qeyb ka noqdaan dagaalka Laascaanood si ay Bad u helaan.












