Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo soo bandhigay Tallaabo hadii uu qaado M/weyne Xasan Sheekh uu…

0
448

Ra’iisal wasaarihii hore ee soomalia Xasan Cali Kheyre  oo ka mid ahaa Madax hore iyo Siyaasiyiin soo saaray qoraal ay uga hor yimaadeen Muddo kororsiga ay wadaan xubno ka mid labada Aqal ayaa sidoo kale farriin uu raaciyay ka digay inay tallaabadan keeni doono dib u dhac weyn oo ku yimaad dowladnimada.

“Dalka iyo dadka Soomaaliyeed midna dan uguma jirto mana xamili karaan dhibka ka dhasha muddo kororsi sharci darro ah. Waxaa hubaal ah in dawlad dhiska dalka uu dib u dhac wayn ku imaan doono haddii aan laga fiirsan tallaabadan aan toosnayn“. ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaarihii hore ayaa taariikhda ku galay inuu ka hor yimid muddo kororsigii Madaxweynihii xilka u magacaabay ee Maxmaed C/llaahi Farmaajo, taasoo kentay inuu xilkiisa ku waayo.