Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta kulan gaar ah ku yeeshay gudaha magaalada Hargeysa

0
687

Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta kulan gaar ah ku yeeshay gudaha magaalada Hargeysa ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda cakiran ee magaalada Laascaanood halkaas oo dagaalo qaraar ay ka dhaceen maalmihii u dambeeyay.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayada oo laga soo saaray go’aanno la xiriira xaaladda adag ee ka taagan gudaha magaaladaasi.

Golaha ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo ka yimid dowlad deegaanka Soomaalida, isla-markaana kasoo tallaabaday dhanka xadka ay ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood.
Sidoo kale waxaa Golaha Wasiirada Somaliland ay markale ku celiyeen eedeynta dowladda federaalka iyo Puntland oo ay tilmaameen inay lug leeyihiin dagaalkaasi.

In gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida kuwa Maamul Goboleed Soomaaliya ee Puntland, ciidamada kala duwan ee ay dawladuhu u soo tababareen Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida” ayaa lagu yiri war kasoo baxay kulanka kulanka Golaha Wasiirada Somaliland.
Dhanka kale Golaha ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda ay diyaar u tahay dhaqan-gelinta xabad joojintii ay horay ugu dhawaaqday Somaliland, si dagaalka loo joojiyo.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dareen inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabadda, si markale dib loogu soo celiyo xasiloonidii magaalada.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa markale baaq u diray hay’adaha Samafalka, ayaga oo ka codsaday inay gargaar deg deg ah gaarsiiyaan qoysaskii ka barakacay Laascaanood.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa qaatay muddo bil ah, kaas oo ay ku dhinteen dad badan shacab ah, kuna dhaawacmeen kuwa kale.

Dhinaca kalana qoraal ka soo baxay Xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa si adag looga jawaabay hadlka Soomaaliland waxaana lagu yiri Shir ay maanta oo ay taariikhdu tahay 9 March 2023 yeesheen Golaha Wasiiradda ee Maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan ciidamo ka tirsan Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) oo qayb ka ah colaada ka socota magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Soomaaliland in aysan jirin ciidan ka tirsan DDS oo qayb ka ah colaada Laascaanood, waxaana cambaareeynaynaa eedeeymaha masuuliyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid.

In kasta oo Xukuumadda DDS ay dadaal dheer iyo dulqaad badan ka muujisay in ayna ka jawaabin eedeeymo iyo dacwooyin badan oo si isdaba joog ah uga soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland oo la xidhiidha isla arintan, waxaa muuqata in maamulka Soomaaliland nafis siyaasadeed ka raadinayo inuu farta ku fiiqo cadaw aan jirin si uu u maareeyo su’aalaha kaga imanaya gudaha iyo dibada ee la xidhiidha Xaaladda ka aloosan Gobolka Sool.

Waxaan markale ugu baaqaynaa maamulka Soomaaliland inay ka waantoobaan hadaladda iyo ficiladda kala fogeeyn kara shacabka walaalaha ee DDS iyo Soomaaliland.