Wararka ka imaanaya deegaanka Bukure oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu Maanta ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Al-shabaab.
Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha waxay sheegeen in dagaalka uu socday mudo ku dhaw nus saac, islamarkaana uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aysan xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha.
Dagaalka Maanta ka dhacay deegaanka Bukure waxaa ciidamada dowladda Federaalka ku garabsiinayay dhalinyaro deegaanka ah oo qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqyada ciidan ee maalmahii u dambeeyay ka socday inta u dhaxeysa Baledweyne iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaasoo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa dhawaan sheegay in maamulkiisa uu fulinayo howlgalo la isugu furayo waddooyinka muddada dheer u xayiran isu socodkooda Al-Shabaab kaddib markii ay go’doon geliyeen degmooyinka dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan, inkastoo aysan ku guuleysan ilaa hadda iney furaan wadooyinka u xayiran Al-shabaab.












