Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa goordhaw ku dhawaaqay liiska golaha wasiirada oo ka kooban 25-wasiir, 25-wasiir kuxigeen iyo dhoor wasiiru dowle.
Wasiirada cusub uu goordhaw ku dhawaaqay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid ah Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha Diinta.
Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa loo magacaabay wasiirkii hore ee wasaaradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo haddana ah senator katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Xukuumadda cusub uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa ku jira qaar kamid ah wasiiraddii hore ee Soomaaliya ay kamid yihiin Khadiijo Maxamed Diiriye, iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga C/Qaadir Maxamed Nuur.
Halkan ka Akhriso Magacyada Wasiiradda
Saalax Jaamac ra’iisul wasaare Kuxigeen
Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
Xasan Macalin Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuirka
Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Arrimaha gudaha.
Dr.Cilmi Maxamuud Nuur Wasiirka Maaliyadda.
C/aaair Jaamac Wasiirka Gaashnaadhiga
Abhir Huruuse Wasiirka arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga
Faarax Sheekh C/qaadir Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare
Maxamuud C/raxmaan Beena Beene Wasiirka qorsheynta iyo maalgashiga
Jaamac ilkaa Jiir Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiid
Fardowsa cismaan Dhoore Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka
Xasan Xuseen Eelaay Wasiirka Xananaada Xoolaha
Jibriil Cabdi rashiid Wasiirka Ganacsiga warshadaha
Ismaaciil sheekh Bashiir Wasiirka Howlaha guud iyo gureyenta
Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka.
Dr Crisaaq Cumar Maxamed Wasiirka Batroolka Macdanta
Maxamed Doodishe Wasiirka Amniga gudaha
Axmed Madoobe Nuunoow Wasiirka beeraha waraabka
Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka
Axmed Xasan aadan Wasiirka Kaluumeysiga kheyeaadka badda
Daauud Aelweys Wasiirka warfaafinta
Biixi Iimaan Cige Wasiirka Shaqada iyo shaqalaaha
Jaamac Taqal Wasiirka Korontada iyo Biyaha
Maxamed Barre Maxamuud Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaraaha
Khadiija Al Makhzuumi Wasiirka Bay’adda iyo isbdelka Cimiladda.












