Hadal Soomaalida kenya Yaabiyey oo uu Sheegay M/weyne kuxigeenkii Hore Dalka Kenya Muxuu Yahey Hadalkaasi?

0
287

Kalonzo Musyoka Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya ayaa sheegay hadal dad badan ka yaabiyey oo ah inuu kasoo jeedo mid ka mid ah qabiillada Soomaalida.

Waxaa uu hadalkan ka jeediyey dibed-bax siyaasadeed oo uu uga qayb galay magaalada Habaas-weyne ee ismaamulka Wajeer.

Hadal-hayn aad u ballaaran ayaa ka dhalatay hadalkiisa oo maalmihii lasoo dhaafay qabsatay baraha bulshada.

Musyoka ayaa fagaaraha uu ka khudbeynayay oo ay dadweyne aad u badan isugu imaadeen ka sheegay in qabiilkiisa oo lagu magacaabo Wakamba looga yaqaanno Soomaaliya Digil iyo Mirifle

Dadka intiisa badan ayaa hadalladiisa ku tilmaamay kuwo u muuqday kaftan uu la wadaagayay Soomaalida ku sugnayd goobta uu ka hadlayay.