Sanater Maxamed Cismaan Dhagajuun iyo Xildhibaan Cumar Cismaan Waasuge Riingo oo kala tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa deeq lacageed oo dhan $42,000 dollar, waxaa ay gaarsiiyeen qoyas danyar ah oo ka mid ah dadka ay Fatahaaddu saameysay magaalada Beledweyne.
Deeqdan oo noqoneysa tii ugu badneyd oo ay dadka danyarta ah soo gaarsiiyaan xildhibaannada ka soo jeeda gobolka ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka faa’ideystay ilaa 900 oo qoys oo laga soo kala xulay qeybaha kala duwan ee bulshada dhaqan deegaannadda ay Fatahaaddu ku dhufatay.
Qeybinta deeqday sidoo kale waxaa Goobjoog ka ahaa guddoomiyayaasha Ururrada Dhalinyarrada heer Dowlad Gobolleed iyo heer Gobol Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye iyo Faarax Cabdi Cali [Faarax Diir] oo uga mahad celiyay xildhibaannada deeqday ay soo gaarsiiyeen dadka danyarta xili ay u baahnaayeen.
Deeqdan lacageeda ayaa ka timid Soomaalida ku dhaqan dalalka Mareykanka iyo Canada
Magaalada Beledweyne maalmihii ugu danbeeyay waxaa siweyn uga socday gurmadka loo fidinayo dadkii ay saameynta kala duwan ku yeelatay Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle kuwaa oo wali intooda badan ku sugan deegaannadii ay u barakaceen.










