James Swan Oo Bulshada Soomaaliyeed U Diray Dhambaal Maalinta Nabad.

0
551
Mr. James Swan, Special Representative ofthe Secretary-General and Head ofthe United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2019/661)

James Swan, Ergeyga Qarramada Midoobey ee Soomaaliya oo ka duulaya xuska maalinta caalamiga ah ee nabadda, ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray dhambaal ku aadan sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen nabad ku soo dabaalidda gayyiga Soomaaliya.

UNSOM

@UNSomalia

“Lasting will also require inclusive , equitable , and sustained among of good will to achieve political consensus and national reconciliation.” – UN envoy to James Swan on today.

For more:

View image on Twitter

” Iyadoo adduunku xusayo maalinta caalamiga ah ee  nabadda, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu  maanta ku dhiirri-geliyay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay gacan ka  geystaan xaqiijinta nabad waarta oo ka hirgasha dalkooda” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska James.

” Dadka Soomaaliyeed waxaa ay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer u soo joogeen ” ayaa hadalkiisa sii raaciyay James.

” Nabad waarta waxay sidoo kale u baahantahay hanaan dowladnimo oo loo wada dhan yahay, cadaalad loo siman yahay, iyo wada hadal joogto ah oo dhexmara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran,” ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha-fuud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Golaha loo  dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa aasaasay maalinta Caalamiga ah ee Nabadda sanadkii 1981
.