Magaalada Baydhabo caasimada Maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya waxaa laguwadaa in dhawaan uu ka furmo shir ay isugu imanayaan xeer ilaaliyaasha Maamulada dalka iyo dawlada Dhexe, shirkaan ayaa diirada lagu saaraya hanaanka ay u wada-shaqayn karaan xeer ilaalintu, caqabadaha jira iyo sida xal loogu heli karo.
Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Baashe Axmed Yuusuf, Xeer ilaaliyaha qaranka iyo xeer ilaaliyaasha maamul goboleedyada ayaa gaaray Magaalada Baydhabo, waxaana halkaa kusoo dhaweeyay xidlhibaano, wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Baashe Yuusuf Ahmed ayaa Mas’uulyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ugu Mahadceliyay Sida Wanaagsan Ay Baydhabo ugu soo dhaweyeen, waxa uuna sheegay in mudo 3 maalin ah shirkaan uu socon doono.






