Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ay sii xumaan karto, iyadoo dhaqaale yari ba’an ay hareysay qorshaha gargaarka, isla markaana malaayiin qof ay weli waysan yihiin kaalmooyinka ay u baahnaayeen.
Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric, ayaa sheegay in dhaqaalaha loo ururiyey qorshaha gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya sannadka 2026 uusan dhaafin 36 boqolkiiba lacagtii loo baahnaa.
Dujarric oo Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay magaalada New York ayaa sheegay in qorshaha gargaarka oo ku kacaya 852 milyan oo dollar ay ilaa hadda ka soo xarootay 306 milyan oo dollar oo keliya.
Wuxuu xusay in dhaqaale la’aanta iyo caqabadaha hortaagan gaarsiinta gargaarka ay ku qasbeen Qaramada Midoobay iyo hay’adaha ay wada shaqeeyaan inay dhimaan howlihii gurmadka bani’aadannimo ee ay ka wadeen Soomaaliya.
Sida uu sheegay Dujarric, in ka badan 1.4 milyan oo qof ayaan weli helin gargaarkii ay u baahnaayeen, kuwaas oo ka mid ah in ka badan 2.4 milyan oo qof oo qorshaha gargaarka loogu talagalay.
Wuxuu intaas ku daray in Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee samafalka ay muddadii u dhexeysay Janaayo iyo Oktoobar 2026 gargaar gaarsiiyeen ku dhowaad 920 kun oo qof.
Digniinta Qaramada Midoobay ayaa imaanaysa xilli Soomaaliya ay wajahaysa xaalad bani’aadannimo oo ay isugu biireen abaaro, isbeddelka cimilada, colaadaha hubeysan iyo barakac baahsan, iyadoo sidoo kale uu hoos u dhacay dhaqaalihii caalamiga ahaa ee loogu talagalay gurmadka.
Xaaladda ayaa sii adkaatay kadib markii ay yaraadeen roobabkii la filayey, isla markaana ay kordheen baahiyaha dhinaca cuntada iyo nolosha aasaasiga ah.
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku-duwidda arrimaha bani’aadannimada (OCHA) ayaa ka digay in malaayiin qof oo Soomaaliyeed ay halis ugu jiraan inay waayaan gargaarka ay noloshoodu ku tiirsan tahay, haddii aan la helin dhaqaale dheeraad ah oo lagu sii wado howlaha samafalka.
Yaraanta dhaqaalaha ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo in xaaladda bani’aadannimo ay kasii darto, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah iyo qoysaska ay saameeyeen abaaraha iyo cunto yaridu.




