
Wararka ka imanaya Dalka Kenya ayaa sheegaya in guddoomiyaha deegaanka Laamu Joseph Kaniyiri uu mamnuucay in laga kaluumaysto xeebaha Kenya ee u dhow xadka Soomaaliya.
Kanyiri oo ah Gudoomiyaha deegaanka laamu ayaa hadalkaan u shegay wargeyska the Daily Nation ee ka soo baxay magaalada Nairobi,ee dalkaasi kenya waxa uuna ku adkeestay in go’aankani uu u cuskaday sababo amni jiro aawgeed.
Dowlada Kenya ayaa waayahanba waday daan daansi ka dhan ah dowlada soomaaliya iyadoona ay hore u jireen go’aano ay ku sheegeen in ay xiriirka u jareen dowlada soomaaliya mana jiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay madaxda soomaaliya kaasoo ku aadan go’aanadan guracan ee marba marka xiga ka soo baxaya dowlada kenya.
.











