Toddoba qof ayaa ku dhintay, tiro kale oo dad ahna way ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay deegaanka Taragaduud ee gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeled, waxaana uu daba socda dilal horey halkaasi uga dhacay.
Odayaasha ayaa lagu soo warramayaa in iminka ay wadaan dadaallo lagu qaboojinayo xiisadda.
.











