Shiinaha iyo Mareykanka oo Wadahadalo ay Lahaayeen Guul Darro Ku Soo Dhamaadeen.

0
342
Wada-hadalladii arrimaha ganacsiga diirrada saarayay ee Washington uga socday Marekanka iyo Shiinaha ayaa ugu dambeyn guul darro ku dhammaaday,iyadoon wax natiijo ah laga gaarin qodobbadii laga wada-hadlayay.
Waxyaabaha shirka uu quseeyay ee la isku fahmi-waayay waxaa ka mid ah sidii xal loogu heli lahaa badeecadaha kala duwan ee ay dowladda Shiinaha u soo dhoofiso dalka Maraykanka iyo sidii xal looga gaari lahaa fikradaha Marekanku leeyahay ee ay xaddo dowladda Shiinaha.
Kulankan oo markiisi horaba la qiyaasayay inan si dhow is afgarad looga gaarin ayaa sidoo kale waxyaabaha la isla soo qaaday ee aan go’aanka laga gaarin waxaa ka mid ah in Shiinaha uu furo suuqa ganacsi, waxaana xusid muddan Shiinaha suuqa ugu weyn ee uu heysto inuu yahay Marekanka.
Marekanka wuxuu caro weyn ka muujinaya in Shiinaha uu caadeystay inuu xaddo fikradaha Marekanku leeyahay , waxa laga doonayo Shiinaha ayaana ah inay sharciga caalamiga ah u hoggaansanaato.
Isfaham-waaga shirkan uu ku dhammaaday ayaa sabab u noqday in canshuur dheeraad ah oo %25 ah lagu soo rago badeecadda ay Shiinaha keennan Marekanka.