Qaar Kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada oo iyaguna Gaarey Shirka Berito Ka Furmi Doona Garoowe.

0
500
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay labo wafdi oo ay kala hoggaaminayeen, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare.
Wafuuddan ayaa qeyb ka ah madaxda dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka ee ka qeybgalaya shirka wada-tashiga ee labada dhinac ay ku yeelanayaan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Shirka oo lagu waddo inuu berri furmo ayaa qodobbada ugu weyn ee looga wada-hadlayo waxaa ka mid ah xal u helidda khilaafka daba-dheeraday ee dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada, amniga , siyaasadda iyo hannaanka ay u dhacayso doorashada oo aan wali kala caddeyn.
Horey waxaa Garoowe u gaaray maanta madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed,iyadoo cidda kaliya ee ka dhiman dowlad-gobolleedyada ay tahay Galmudug.
Dhinaca kale, waxaa Hore Usoo Gaarey Garoowe Wafdi uu Horkacayo R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay Kamid Yihiin Wasiiro Xildhibaano iyo Xubno kale iyadoo La Filayo In Berrito uu Shirku Furmo.