Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland oo uu Gaarey R/wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre.

0
499
 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa goor Hore oo Maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland,halkaa waxaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland, ku xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan golayaasha kale ee xukuumadda.
“Waxaa maanta sharaf wayn noo ah, iyadoo maalin Jimce ah ay tahay inaan ku soo dhawayno Garoonka Gen, Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdi ballaaran oo la socday, iyadoo maalinta berri ah haddii Alle ka dhigo uu ka billaaban doono shir wadatashi ah Garoowe oo ay yeelan doonaan Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Waxaa kalo uu sheegay shirkaa oo wada-tashi ah in looga wada-hadlo waxyaabo dadka iyo dalka Soomaaliyeed dan u ah.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa ka mahadceliya sida loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe.