Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo marti-geliyay shir ay ku wada-hadalayaan dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa faahfaahin ka bixiyay.
Siciid Deni, wuxuu sheegay shirka inuu billaaban doono Sabtida berri,iyadoo inta badan madaxda dowlad-gobolleedyada iyo wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay caawa ku suganyihiin magaalada Garoowe.
“Shirkaas oo ah wadatashi oo aan rajaynayno in looga wada-hadlo waxyaabo dadka iyo dalka Soomaaliyeed dan u ah, wuxuu billaabanaya Sabtida berri ah.” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Wuxuu ku soo aaddaya shirka xilli dowlad-gobolleedyada qaar ay qaadaceen ansixinta xeerka doorashooyinka oo ay shalay ansixiyeen golaha wasiirrada, arrinta doorashadana waxay qeyb ka tahay arrimaha looga hadlayo shirka Garoowe.











