PUNSA: Ururada Bulshada Rayidka Daladda Ay Ku Mideysanyihiin oo Ku Baaqdey Shirka Garoowe ka Furmey in uu Miro Dhalo.

0
458
Dalladda Ururada Bulshada rayidka Puntland ee PUNSA ayaa warsaxafadeed ay ka soo saartay xalay wada-hadalka la filayo in maanta uu uga furmo magaalada Garoowe madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul-goballeedyada ugu baaqday in ay ku xalliyan arrimaha lagu kala fogyahay.
“Wada-hadaladaas oo ahmiyad  ballaaran u leh danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed maaddaama ay bulshadu xilligan la daalaa dhacayso abaaro, amni darro iyo adeegyada asaasiga ah oo liita, uuna jiro walaac bulshadu ka qabto siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waxayna dallada PUNSAA ugu baaqaysaa in laga heshiiyo qodobbada ahmiyada u leh dalka ;
1- Xeerka doorashooyinka ee sannadka 2020/2021
2- Dhammaystirka Dastuurka
3- Nooca uu noqonayo habka caddaaladda
4- Qaybsiga khayraadka
5- Qaybsiga Awoodaha
6- Amniga qaranka
Uga dambeyntii, Dalladda Ururrada Bulshada rayidka Puntland ayaa rajo ka muujisay hoggaamiyeyaasha inay ka heshiiyaan dhammaan arrimaha lugu kala aragti duwanyahay.