Xubnaha Barlamaanka Aqalka Sare oo Maanta Shir Ku Yeelanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

0
380
Xildhibaannada golaha Aqalka sare ee Somaaliya ayaa lagu wadaa inay magaalada Muqdisho ku yeeshan kulankoodii 4 aad ee kalfadhiga shanaad.
Kulankan ayaa lagu wargeliyay xildhibaannada golaha aqalka sare oo xalay loo diray farriimo lagu wargelinayo inay kulanka soo xaadiraan.
Ma cadda ajandaha kulanka iyo qodobbada kale ee looga hadlayo, balse waxaa lagu wadaa in kulanka looga dooddo qodobbo dhowr ah oo horyaalla golaha aqalka sare,iyadoo La Filayo In Ajendaha Kulanku uu Ku Jiro Tabashooyin u Dhaxeeya Labada Gole Barlamaan iyo Khilaafaadka Dawladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada Garoowe Shirkoodu Hadda Ka Socdo.