Maanta 04 MAY 2019, Xarunta Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran (GMDQ) ayaa lagu gudoonsiiyey shahaadada ku-meelgaarka ah 7 (todobo) xisbi siyaasadeed waxayna kala yihiin:
1. Xisbiga Nabada Dimoqraadiyada iyo Midnimada,
2. Xisbiga Dhalinyarada Qaranka,
3. Xisbiga Haldoor,
4. Xisbiga isbahaysiga Qaranka Somaliyeed,
5. Xisbiga Awoodda Shacabka,
6. Xisbiga Nabadda iyo Cadaaladda
7. Xisbiga Daryeel Qaran
Xisbiyadan Maanta Qaatey Shahaadada kmg ayaa Waxa ay Ka Dhigayaan Tirada Xisbiyada Ilaa Hada Diiwaangashan oo Shahaado kmg ah Haysta 50 Xisbi iyadoo Qaar kalena Soo Socdaan ayna Socon Doonaan Illaa Doorashada Marka ay Ka Dhimantahey Shan Bilood Kaliya waana Fursad Dastuuri ah oo Muwaadin Kasta U Furan Si uu Siyaasadda Uga Qayb Qaato Isagoon Gelin Wax Dhibaato iyo Dagaal Jabhadeed La Xiriira,Gudiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qarankuna ay Juhdi Fara Badan Geliyeen Sidii Meel mar u Noqon Laheyd Arrintaasi iyagoo Kaashanaya Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta Xalka Soomaaliya U arka Doorasho Qof iyo Cod In ay Ka Dhacdo Dalka.

















