Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ay ku qabatay lacag uu watay sarkaal la sheegay inuu ku dhaw yahay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay in laanta socdaalka dalka Kenya ay qabatay lacag gaareysa 1.7 Million oo Dollar.
Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliya oo ay kaga hadleyso arrinkan.
Kenya ayaa maalmo kahor ku dhawaaqday in dalkeeda aanan la soo gelin karin shixnado laga keenay Somaliya oo aanay cidna la socon.
Muranka labada dal ee Somaliya iyo Kenya ayaa xoogeystay kadib markii Somaliya ay qaadatay go’aanka ah in aysan ka gorgor tameyn kiiska Badda.












