Dableyda oo ahaa laba dhalinyaro ah ayaa wiilkan toogtay xilli uu ka soo baxay Masjid halkaasi ku yaalla oo uu Salaada Khudbada ku soo tukaday.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Dableyda ay dhawr xabadood Cabdalla Maxamed Maaxi kaga dhufteen qeybaha sare ee jirka, isla goobtana uu ku geeriyooday.
Jameecada Masjidka ayaa dareemay argagax iyo cabsi daran, waxayna durba ku kala carareen guryahooda oo ay gabaad ka raadsadeen.
Ciidanka ammaanka oo ahmiyad badan aan siin falkan ayaa sameeyay baaritaan iska caadi ah, waxayna markii dambe goobta ka qaadeen Meydka Marxuumka oo ay geeyeen xarunta CID-da.
Saraakiisha ugu sareysa Booliska oo ka soo hadlay gacanka ay ku xiriiraan ciidanka ayaa amray Hay’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan raggii dilka geystay.
Ehelada marxuumka la toogtay ayaa sheegay in wiilkooda wax siyaasad ah uusan lug ku laheyn, waxayna dalbadeen in cadaalada la horkeeno gacan ku dhiiglayaasha weerarkan ka dambeeyay.
Argagixisada Al Shabaab ayaa sida muuqata baneystay dhiigga shacabka Muslimiinta ah, waxayna horey u dileen dad badan oo sidan oo kale uga soo baxay Masjid.











