Amiirka Dalka Qatar iyo M/weyne Farmaajo oo Khadka Telefoneka Ku Wada Hadley (Akhriso).

0
407
Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar, Amiir Tamim bin Hamad Al Thani ayaa wada-hadal ku yeeshay telefoonka,sida ay ku warrantay wakaaladda wararka u faafisa dowladda Qadar ee Qatar News Agency.
Wada-hadalka oo dhacay habeenkii Talaadada waxa uu la xiriiray Salaan iyo isu hambaleynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo maalinimadii Isniinta ee toddobaadkan billaabatay,balse ma bixin Qatar News Agency faahfaahin inta ka badan iyo haddii labada mas’uul ay arrimo kale ka wada-hadleen.
Ma jirto warbixin ka soo baxday dhinaca madaxtooyadda Soomaaliya oo looga hadlay wada-hadalka ay yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamim bin Hamad,kaas oo ku soo aadday xilli uu madaxweynaha Soomaaliya ku suganyahay magaalada Garoowe halkaas oo uu ka socdo shir wada-tashi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.
Qadar waxaa ay ka mid tahay dalalka sida dhow u taageerra dowladda Soomaaliya, waxaana dalkan yar ee ku yaalla khaliijka lagu tilmaama inuu door ku leeyahay siyaasadda Soomaaliya.