Allaha U Naxariistee Amp-Maxamed Warsame Kimiko oo Muqdisho Aas Qaran Loogu Sameeyey.

0
751
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ,Mahdi Maxamed Guuleed wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin  kale ayaa maanta Salaadda Janaasada ku dukaday maydka Allaha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko, oo maanta Muqdisho laga soo dejiyay.

 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo dhammaan mas’uuliyiintii kale ee ka qayb galay aaska ayaa marxuumka Allah uga baryay in uu u naxariisto.

Salaadda kadib ayaa Marxuumka lagu aasay Qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

Amb. Maxamed Warsame Cali oo maalma ka hor ku geeriyooday dalka Kenya ayaa qayb waqtigiisa kamid ah ku qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed isaga oo danjire ka noqday dalal badan, kana mid ahaa aasaasayaashii, maamulka Galmudug, isaga oo noqday Madaxwaynihii ugu horreyay ee Galmudug.