Magaaladan oo aan lahayn biyo ileed quudiya ayaa noloshoodu ku tiirsan tahay bekedaha ku yaal magaalada Kala-baydh oo 30km galbeed kaga quman walow ay jiraan magaalooyin kale oo iyaguna berkedaha biyo roobaadka lagu kaydiyo leh, inta badana waxaa la sheegayaa in ay madhan yihiin.
Suuqa gaadiidka biyaha laga kaxaysto ayaa gebi ahaan cidla ah, iyadoo sababta lagu sheegay in aanay hayn meel ay biyo ka soo qaadaan “Ma jirto meel aan biyo ka doono, hadii la helo meel ay wax ku jiraan sida tuulada Qoriley waase fogtahay qiimaha aan ku soo iibsanaynaana waa qaali, maxaan dadka kaga iibin karaa” sidaa waxaa yidhi Cabdilaahi Cali oo leh booyad waxaanu sheegay inuu iska dhigay.
“Maanta ku sadex waxaan cuntada ka doonanayey hudheelka, markaan waayey biyo ayay dantu igu qabsatay” Raxma Muxiyadiin ayaa HOL u sheegtay iyadoo taas ku dartay inay sii adkaan karto xaalada magaaladu haddii aan Illaahay roob shubin.












