Goobihii Danta Guud ee Lagu Dhisayey Barnaamijka Is-xilqaan oo uu Kormeeray M/weyne Farmaajo Kana Hadley.

0
534

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray xarumaha danta guud ee lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaan ayaa ku ammaanay muwaadiniinteenna sida ay u soo ajiibeen baaqiisa ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Ololaha Is-xilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay shaqooyinka dib-u-dhiska iyo dayac-tirka ah ee lagu wado Tiyaaratka, Madaxafka iyo Maktabadda Qaranka, isagoona goobahaas kula kulmay muwaadiniinta sida mutadawacnimada ah uga qeyb qaadanaya Ololaha Is-xilqaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay karti iyo awood u leeyihiin dib u soo celinta xarumihii danta guud iyo bilicdii uu ku tilmaamnaa dalku.

“Hawshan wanaagsan ee aad haysaan waa mid waxtar weyn u leh mustaqbalka carruurteenna. Dalkeenna innagaa gacmaheenna ku burburinnay, marka innagoo aan cid kale sugin waa in aan dib u dhisannaa oo qof kasta oo Soomaali ah uu awooddiisa geliyaa dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.”

Dhankooda, hawl-wadeennada Barnaamijka Is-xilqaan ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey guulaha la taaban karo ee laga dhexlay wajiga koowaad ee barnaamijkan iyo qorsheyaasha lagu dhammeystirayo dib u dhiska goobaha danta guud.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay hormuudka Barnaamijka Is-xilqaan in ay dardar geliyaan dhammeystirka dib u dhiska goobaha danta guud oo haatan ay gabogabo marayaan hawlaha dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka, Madxafka iyo Maktabadda.