“Ujeeddooyinka sharciga doorashooyinka qaranka ayaa ah in lagu maamulo doorashooyinka golayaasha sharci dejinta iyo madaxwaynaha jamhuuriyadda, laguna hir gelinayo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka maran cabsi gelin iyo ceeb oo dhan, loona maamulay si madax bannaan, dhex-dhexaad ah, sugan, hufan oo isla xisaabgan leh kuna salaynsan hab-raac sharci oo dhaqan gal ah, in uu cadeeyo awoodda iyo waajibaadka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo in lagu qeexo laguna tilmaamo nidaamka doorashooyinka dalka.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed laga soo saaray shirka golaha wasiirrada.
Hindise Sharciyeedka ay maanta xukuumaddu meel marisay ayaa loo gudbinayaa golayaasha Barlamaanada Labada Aqal ee dalka si ay u ansixyaan,Iyadoo ay Axzaabta Siyaasadda oo In Muddo ahba U Qaylinayey In Xukuumadu Gudbiso Xeerkaas ay Maanta Si Aad ah Usoo Dhaweeyeen Xukuumadana Ugu Hambalyeeyeen Taasoo ay Sheegeen In aysan Wali Arkin Xeerka Xukuumaddu Labada Aqal u Gudbisey ayna Aragtidooda Sheegi Doonaan Marka ay Arkaan Nuqulka Xeerka Doorashooyinka Soomaaliya.
Shirka golaha wasiirrada oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu meel mariyay sharciga xisbiyada siyaasadda dalka oo dib-u-eegis lagu sameeyay.












