Taliska Ciidanka Booliska Oo Sheegay In La Qabtey God Hubka ay Ku Kaydsadaan Deegaanka Ceelasha Biyaha.

0
619

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Zakiya Ayaa Sheegtay In Ay Ku Guulaysteen Qabteena God Weyn oo Al-shabaabka Xamar Ka Dagaalama ay Hubka iyo Walxaha Qarxa Ku Kaydsadaan Kuwaasoo Cadadkooda Iyo Muuqaalkooda aan Midna Warbaahinta La Tusin,Taas oo Dad Badani Dhihi Karaan Hub God lagu aaso  Maahan Waxa Dadka Muqdisho ay ka Seexan La’yihiin Xalna uma Noqoneyso Amni Darada iyo Qaraxyada Muqdisho Ka Dhacaya Habeen iyo Maalin.

Taliye Kuxigeenka Booliska  Gabadha Generalka ah Zakiya  Ayaa Beryahan Si aan Hore Looga Baran Sheegta Maalin Walba Guulo iyo Digniino Dadka Rayidka ah Ku Wajahan Taas oo Micnaheedu Yahey In dadka shacabka ah La Tusiyo Shaqada Loo Hayo,Sidaas Darteedna Qaraxyadu ay Wali Socdaan.

Maahan Markii Ugu Horeysey ee ay Hay’adaha Amnigu Sheegaan In ay Wax Qabteen ama Ka Hor tageen Iyadoona Warbaahinta Lala Wadaagin Inta Badana Dadku U Micneystaan Abuur Shacabka Lagu Seexinayo,Wuxuuna Warkani Kusoo Beegmayaa Xilli Maanta Loo Balansanaa Ka Doodidda Xaaladda Amni ee Dalka Hase Yeeshee Barlamaanku Kusoo Xirmey Natiijo La’aan iyo Muran Dhexmarey Xubnaha Golaha Shacabka.