Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaliyaa Oo Qabtay Sarkaal Ka Tirsan Al-shabaab Sida ay Sheegeen.

0
303

Ciidamada amaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Howlgal ay fuliyeen shantii bishaan Apriil waxa ay kusoo soo qabtaeen xubin muhiim ah oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Xubintan ka tirsan Alshabaab ee ay ciidamada amaanku qabteen ayaa Alshabaab u qaabilsanaa ku xirista Walxaha Qarxa ee gaadiidka waxaana lagu qabtay howlgal saacado badan qaatay oo ka dhacay Muqdisho.

Ka hor inta aanan la qaban ninkan ciidamada ayaa daba socday xogo sirdoon oo ay ka heleen ilo muhiim u ah taas oo suurta galisay qabashada shaqsiggaan.

Tallaabadaan ayaa imaanaysa xilli Ciidamada Amniga ay magaalada Caasimadda ah iyo Gobolladaba ka wadaan howlgal ballaaran oo lagula dagaalamayo ALshabaab .