Madaxweynihii Hore Ee Sudan Cumar Al-bashiir Oo Xabsiga La Dhigay.

0
590

Madaxweynihii Hore ee Sudan Cumar Xasan Albashiir ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen qaar kamid ah qoyskiisa.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in xubno kamid ah qoyska Cumar Al-Bashiir ay u sheegeen in lagu xiray xabsiga loo yaqaab Kubar.

Saraakiisha Milatariga wadankaas ayaan dhankooda ka hadlin wararka sheegaya in xabsiga la dhigay madaxweynihii hore ee mudada soo maamulayay Sudan Cumar Xasan Al-Bashir.