Gaari Laga Soo Buuxiyey Walxaha Qarxa Oo Ku Qarxay Wadada Makka Al-Mukarrama (Daawo Sawirada)

0
536

Gaariga Qarxay ayaa lagu soo waramayaa in uu yaallay waddada dhinaceeda iyadoona mar qura la maqlay jug culus oo ah qaraxa gaariga.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in dabka ka dhashay gaariga qarxay uu saameeyay goobihii ku dhawaa goobta iyo gawaari ku baakineyd wadada dhinaceeda.

Ma jirto ilaa hada cid wax ku noqotay qaraxa gaari marka laga yimaado burburka uu u geystay gawaarida ka agdhawayd goobta uu ku qarxay gaarigan maadama uu dhaliyay dab lixaad leh oo qabsada gawaaridan.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in lagu guuleystay daminta dabka ka dhashay qaraxa gaari iyadoona ciidamada amaanka ay wadaan baaritaano la xiriira qaraxan aan khasaaraha nafeed geysan.