Hugaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe oo Galabta Ku Laabtey Magaalada Kismaayo.

0
392
Mudane Axmed Max’ed Islaam, Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo mudooyinkii u danbeeyay ku maqnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, halkaa oo uu kulamo kula lahaa Madaxweynaha dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo.


Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland iyo qaar kamid ah shacabka magaalada, waxaana soo dhaweyn kadib uu warbaahinta kula hadlay qeybta nasashada ee Garoonka.

Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu u aaday howlo ku saabsan sidii xal waara looga gaari lahaa khilaaf jiray, isagoo xusay in wadahadalladii uu la galay madaxda dowladda ay kusoo dhamaadeen is afgarad.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa ku tilmaamay in uu ahaa mid taariikhi ah, islamarkaana kulamadii dhacay oo dhan ay guul kusoo idlaadeen.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya ayadoo mudooyinkii u danbeeyay ay warbaahintu siyaabo kala duwan uga hadleeysay wadahadalladii Muqdisho ku dhexmaray madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha dowladda federaalka Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo, kadib markii la waayay wax xog ah oo ku saabsan wadahadalladaasi, balse Madaxweyne Axmed Max’ed Islaam ayaa maanta daaha ka rogay, isagoo cadeeyay in guul ay kusoo idlaadeen wadahadalladii lagu xallinayay khilaafka Jubbaland iyo dowladda dhexe.